Posts

Showing posts from August, 2023

FOOD LOWERING CHOLESTEROL

Image
  Waxaa jira cuntooyin hoos u dhiga cholesterol xun oo la dagaalama kana ilaaliya in uu jirka ku bato, hadaba qormadaan waxaa ku falanqayn doonaa qayb ka mida cuntooyinkaan. 1: Cuntada baalka leh  ( whole grain) sida galayda,  badarka, sareenka, heedha. Cuntooyinkan waxaa aad ugu badan waxaa loo yaqaan (fiberka) ama galka iyo vitaminska waxaana aad ugu yar carbohydrates iyo dufanka, waxaayna jirka ka saacidaysaa in ay xadida dufanka iyo cholesterol maada aysan la hayn wax carbohydrates iyo dufan(fat). 2:  khudaarta ( fruits) sida canabka, liin macaanta liin dhanaanka,snowberry ga, tutaaxa iyo kuwo kale oo badan waxay door muhiimka ka qaataan hoos u dhigida cholesterol, waayo waxaa jira maadooyin laga helo qudaartan oo loo yaqaan pectin taas oo beerka ka caawisa in uusan soosaarin  cholesterol ka. Pectin waa maado laga helo qudaartan waxaay 10% hoos u dhigtaa cholesterolka dhiiga raaca. Sidoo kale qudaartan waxaa ku jira maado loo yaqaan ( bioactive compoun d)....

CHOLESTEROL

 Cholesterolku waa dufanka ama saliid ay qaadaan xididada dhiiga. Dufankan jirku waa u baahan yahay si uu u samaysto unugyada muhiimka ah lkn hadii uu ku bato jirka wuxuu siyaadin karaa khatarta wadno xanuunka. Hadii xadiga kalostarolku dhiiga raaca uu bato wuxuu ku samaysmaa darbiyada xididada dhiigu maro wuxuuna yareeyaa qulqulka dhiiga Mararka qaar dufankani wuxuu noqdaa guntin taas oo sababi karta wadno istaag(heart attack). Kalostarolka wuxuu u qaybsamaa labo nooc:-  1:Mid fiican ( good cholesterol)  Noocan fiican wuxuu xididada dhiiga ka nadiifiyaa dufanka  badan wuxuuna dib ugu celiyaa beerka 2: mid xun (bad cholesterol) Cholesterol xun wuxuu dufanka geeyaa xididada dhiiga,dukanka wuxuu ku samaysmaa darbiga xididada dhiiga qaada kaas oo keeni kara in ay xirmaan oo sababi kara dhiig kar iyo wadno istaag. Waxyaalaha sababi kara in cholesterolku jirka ku bato 1:  cunista cuntooyinkan dufanka badan leh :  Cuntooyinka sida hilibka xoolaha, caanaha fatka l...