Faaiidada dhagayaraha

Waxka ogow waxtarka caafimaad ee laga helo geedka dhagayaraha Dhagayaruhu waa geed daweed qiimo badan,waxaa ku jira proteins, bir(iron), calcium, potassium, sodium, fitaminada sida A and C, waxaa kaloo ku jirta macdanta manganese oo muhiim u ah shaqada maskasta iyo adkaynta lafaha. Waxtarkiisa caafimaad waxaa kamid kobcinta maskaxda iyo ilaalinta beerka iyo kelyaha. 1: Germis dile Dhagayaruhu waa germis dile aad u xoogan waa ( ANTIMICROBIAL). Wuxuu la dagaalamaa noocyada kala duwan ee bacteriayada iyo fayruska jirka ku keena xanuuno farabadan. Sidoo kale wuxuu daweeyaa nabarka ku samaysma caloosha ee loo yaqaan ( ulcerka) 2: Sunsaarista jirka Dhagayaruhu wuxuu awood u leeyahay sunsaaeista jirka suntaas oo hadii ay jirka ku ururto keeni karta in ay dhaawacdo beerka, wadnaha iyo kelyaha. 3:Caafimaadka ilkaha Dhagayaruhu waa xanuun baabi iye aad u fiican waxaa loo adeegsadaa dawaynta ilko xanuunka iyo infections ciridka, sababtuna waa maado ku dhexjirta ee loo yaqaan ( eugenol), maad...