Faaiidada dhagayaraha

 Waxka ogow waxtarka caafimaad ee laga helo geedka dhagayaraha




Dhagayaruhu waa geed daweed qiimo badan,waxaa ku jira proteins, bir(iron), calcium, potassium, sodium, fitaminada sida A and C, waxaa kaloo ku jirta macdanta manganese oo muhiim u ah shaqada maskasta iyo adkaynta lafaha.
Waxtarkiisa caafimaad waxaa kamid kobcinta maskaxda iyo ilaalinta beerka iyo kelyaha.

1: Germis dile
Dhagayaruhu waa germis dile aad u xoogan waa ( ANTIMICROBIAL). Wuxuu la dagaalamaa noocyada kala duwan ee bacteriayada iyo fayruska jirka ku keena xanuuno farabadan.
Sidoo kale wuxuu daweeyaa nabarka ku samaysma caloosha ee loo yaqaan ( ulcerka)

2:Sunsaarista jirka
Dhagayaruhu wuxuu awood u leeyahay sunsaaeista jirka suntaas oo hadii ay jirka ku ururto keeni karta in ay dhaawacdo beerka, wadnaha iyo kelyaha.

3:Caafimaadka ilkaha
Dhagayaruhu waa xanuun baabi iye aad u fiican waxaa loo adeegsadaa dawaynta ilko xanuunka iyo infections ciridka, sababtuna waa maado ku dhexjirta ee loo yaqaan ( eugenol), maadadaan waxay la dagaaalantaa geermiska afka ku dhasha.

4: Dajinta  xanuunka macaanka ;
Dhagayaraha waxaa ku jira maadooyin ka qayb qaata dajinta sonkorta dhiiga.
Maadadaan waxaay hagaajisaa shaqada qanjidhka soo saara insulinta.
Insulintu waa hormone ka hortaga in ay badato sonkarta dhiiga.

5: dhiigakarta 
Dhagayaruhu wuxuu kor uqaada caafimaadka wadnaha iyo xidida dhiiga,
Wuxuu hoos u dhigaa cholesterol xira xididada dhiiga.

6: cancer 
Dhagayaruhu wuxuu ka hortagaa cancerka ku dhaca sambabada iyo maqaarka.


Comments

Popular posts from this blog

ANTI AGING FOOD ( CUNTOOYINKA KA HORTAGA MAQAARKU IN UU GABOOOBO