ANTI AGING FOOD ( CUNTOOYINKA KA HORTAGA MAQAARKU IN UU GABOOOBO
Maqaarka quruxda badan ee dhalaalaya wuxuu ka bilaabmaa sida aan wax u cunno, laakiin cuntooyinkan gabowga lidka ku ah waxay kaloo kaa caawin karaan in uu maqaarkaagu is badalin.
Halkaan waxaan idin kusoo gubbin doonaa lix cunto ama qudaar kuwaas oo ka hortaga maqaarku in uu gaboobo waxaana ka mid ah kuwaan soo socda:-
1: Barbanooni( bell Pepper )
Sidoo kale Barbanooniga waxaa jira maado la dhaho antioxidant taas oo maqaarka ka ilaalisa waxyaabaha sunta ah iyo falaaraha qoraxda.
Cunista Barbanooniga si maalinla ah waxaay kaa caawinaysaa in uu maqaarkaagu qurux badnaado sababtoo ah vitamin Cga ku jira ayaa wuxuu caawinayaa soo saarista collagen oo ah proteinka maqaarku ka samaysan yahay iyo in uu jirka siiyo qoyaan(hydration) iyo in uu ka ilaaliyo falaaraha sunta ah ee qoraxda.
2:- Babayga( papaya)
Babaygu wuxuu ka mid yahay cuntooyinkan ugu nafaqada badan xaga vitaminada iyo minerals ka wuxuu hodan vitaminadaan soo socda:-
- vitamins A, C, K, and E
- calcium
- potassium
- magnesium
- phosphorus
- B vitamins
Sidoo kale Babaygu wuxuu hodan ku yahay maadada loo yaqaan antioxidant taas oo shaqadeedu tahay in ay maqaarka ka ilaalisa sunta dabiiciga ah ee jirku soo saaro iyo falaaraha qoraxda.
Sidoo kale babayga waxaa laga helaa enzyme loo yaqaan (papain) .
Enzymakaan wuxuu maqaarka ka nadiifiyaa ama ka qaadaa cellska dhintay asagoo ka dhigaya maqaarka mid dhalaalaya.
Sidoo kale enzymekaan wuxuu maqaarka ka ilaashaa in uu caabuq sameeyo ama uu bogsoon waayo.
3:- Koostoda ( spinach)

Koostadu waxay ka mid tahay qudaar cagaaran (green vegetables) waxaa aad ugu badan vitamins C,A iyo antioxidant sidoo kale biyo badan ayay leedahay taas jirka ka caawinaysa in uusan qalalin.
Vitamin C gu wuxuu maqaarka ka caawinayaa in uu samaysto colegenka oo ah proteinka uu maqaarku ka samaysan yahay.
Vitamin A gu wuxuu maqaarka ka dhigayaa mid qurux badan oo dhalaalaya.
4 :- LOWSKA IYO YICIBTA
![]() |
Nuts |
Lowska waxaa aad ugu badan vitamin E kaas oo maqaarka ka caawiya in dib isku cusboonaysiiyo ama iska badalo maqaarka dhintay samaystana maqaar cusub, wuxuu kaloo maqaarka ka saacidaa in uusan qalalin ( moisture).
Sidoo kale wuxuu maqaarka ka ilaaliyaa falaaraha qoraxda ( UV) rays.
LOWSKA waxaa kaloo laga helaa omega 3 fatty acid oo aad ugu fiican qurxinta maqaarka,
Waxay ka dawaysaa inflammation iyo caabuqa ku samayma maqaarka.
Sidoo kale waxaay ka hortagtaa finanka wajiga ku samaysma iyo in uu wajigu gudguduud yeesho iyo in uu qalalo.
Sidoo kale waxaay maqaarka ka ilaalisaa in ay dhaawacdo qoraxdu.
6:-AVACADO
Avacadhadu waxay ka mid tahay qudaarta cagaaran waxaay aad ula dagaalantaa infeksionka iyo caabuqa, waxay maqaarka ka dhigtaa mid aad u jilicsan (smooth).
Waxay ka hortagtaa in maqaarku gaboobo ama duubduumo.
Avacadhadu waxaay ka kooban tagay nafaqooyin kala duwan sida:-
vitamins K, C, E, and A
B vitamins
potassium
Vitamin A wuxuu ka mid yahay nafaqada ugu badan ee laga helo avacadhada wuxuu maqaar ka saara unugyada dhintay (dead cells) wuxuu maqaarka siiyaa dhalaal iyo qurux ( glowing).
Sidoo kale vitamin A gu wuxuu maqaarka ka celiyaa in ay sunta ka timaada qoraxda ay wax yeesho.
Hadaba si aan helno maqaar qurux badan iyo jir caafimaad qaba waa in aan si maalinle ah u isticmaalnaa qudaarta aan halkaan idinkula wadaagay.
WA BILAAHI TOWFIIQ
Comments
Post a Comment