CHOLESTEROL

 Cholesterolku waa dufanka ama saliid ay qaadaan xididada dhiiga. Dufankan jirku waa u baahan yahay si uu u samaysto unugyada muhiimka ah lkn hadii uu ku bato jirka wuxuu siyaadin karaa khatarta wadno xanuunka.

Hadii xadiga kalostarolku dhiiga raaca uu bato wuxuu ku samaysmaa darbiyada xididada dhiigu maro wuxuuna yareeyaa qulqulka dhiiga

Mararka qaar dufankani wuxuu noqdaa guntin taas oo sababi karta wadno istaag(heart attack).

Kalostarolka wuxuu u qaybsamaa labo nooc:- 

1:Mid fiican ( good cholesterol) 

Noocan fiican wuxuu xididada dhiiga ka nadiifiyaa dufanka  badan wuxuuna dib ugu celiyaa beerka

2: mid xun (bad cholesterol)

Cholesterol xun wuxuu dufanka geeyaa xididada dhiiga,dukanka wuxuu ku samaysmaa darbiga xididada dhiiga qaada kaas oo keeni kara in ay xirmaan oo sababi kara dhiig kar iyo wadno istaag.

Waxyaalaha sababi kara in cholesterolku jirka ku bato

1:  cunista cuntooyinkan dufanka badan leh : 

Cuntooyinka sida hilibka xoolaha, caanaha fatka leh waxaa aad ugu badan cholesterolka aan fiicnayn (bad cholesterol).

Sidoo kale cuntooyinkan la shiilay( fried foods)

Macmacaanka iyo Sidoo kale cuntooyinkan la processed garayey iyagana waxaa aad ugu badan cholesterol ka aan fiicnayn.

2:cayilka : cayilku waa dilaaga qarsoon maxaa yeelay qofka waxaa jirkiisa aad ugu badanaha baruurta iyo dufanka, taasina waxay keeni kartaa in cholesterol xun uu ku bato dhiiga uuna keeni karo wadno istaag ( heart attack).

3:jimicsi la'aanta (lacka of exercise)

Jimicsigu wuxuu jirka ka caawinayaa in dufanka badan ee jirka ku jira loo badalo tamar( energy) lkn hadii uu qofku uusan wax Jimicsi ah samayn cunto carbohydrates ah cuno waxaay keeni kartaa in dufan badan uu dhiiga raaco.

4:Balwada:( sigaarka iyo khamrada) balwadu waxay sababi karta in cholesterolka xun uu ku bato dhiiga maxaa yeelay waxay hoos u dhigtaa cholesterolka fiican, waxay sare u qaada waxaa mida xun taas oo keeni karto wadno istaag.


 



Comments

  1. Masha Allah waa cashar aad ii anfacay

    ReplyDelete
  2. Waxaan ku dadaalayaa in aan ku xirnaado page ka

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

ANTI AGING FOOD ( CUNTOOYINKA KA HORTAGA MAQAARKU IN UU GABOOOBO