FOOD LOWERING CHOLESTEROL

Waxaa jira cuntooyin hoos u dhiga cholesterol xun oo la dagaalama kana ilaaliya in uu jirka ku bato, hadaba qormadaan waxaa ku falanqayn doonaa qayb ka mida cuntooyinkaan. 1: Cuntada baalka leh ( whole grain) sida galayda, badarka, sareenka, heedha. Cuntooyinkan waxaa aad ugu badan waxaa loo yaqaan (fiberka) ama galka iyo vitaminska waxaana aad ugu yar carbohydrates iyo dufanka, waxaayna jirka ka saacidaysaa in ay xadida dufanka iyo cholesterol maada aysan la hayn wax carbohydrates iyo dufan(fat). 2: khudaarta ( fruits) sida canabka, liin macaanta liin dhanaanka,snowberry ga, tutaaxa iyo kuwo kale oo badan waxay door muhiimka ka qaataan hoos u dhigida cholesterol, waayo waxaa jira maadooyin laga helo qudaartan oo loo yaqaan pectin taas oo beerka ka caawisa in uusan soosaarin cholesterol ka. Pectin waa maado laga helo qudaartan waxaay 10% hoos u dhigtaa cholesterolka dhiiga raaca. Sidoo kale qudaartan waxaa ku jira maado loo yaqaan ( bioactive compoun d)....